Ku soo dhawow Madxafka Ciidanka Cirka Iswiidhishka!

Madxafka Ciidanka Cirka Iswiidhishka waa madxaf leh farsamo casri ah iyo taariikh dhaqameed raadraacidda horumarka militariga diyaaradaha Iswiidhishka. Madxafka waxaa yaala qalab diyaaradeed u gaar ah, raadadkii 20kii qarni ee la soo maray ilaa hadda JAS 39 Gripen.

Sidoo kale bandhigyada hoose, waxaan sanadkii qabanaa labo ilaa saddex cbandhig oo ku meelgaadh ah. Waxaa sidoo kale jira barnaamijyo toos ah dhamaan hawlaha sannadka hagidda dalxiiska ee kooxaha ku hadlaya luuqadaha kala duwan.

Restaurang Calle C waxay bixisaa bun iyo qado laga sameeyay waxyaabo wadanka ah. Xagaaga waxaan leenahay fadhiga dibadda ee ku xiga daaradda Leklanda, ee martidayada dhalinta yar kuwaas oo u baahan inay iskululeeyaan.

Hadiyadaha qadiimiga ah ee tukaanka madxafka, alaabada habaysan, boonbalaha, qoraalada diyaaradaha iyo noocyada diyaaradaha. Haddii aad jeceshahay inaad akhriso ama waxbadan ka ogaato, booqo xaruntayada waxbarasho ee leh faylasha iyo magtabadda gaarka ah ee taariikhda diyaaradaha.

Saacadaha u Furanyahay

Sebtembar-Mey:
Talaado-Axad 11.00-17.00
Arbaco 11.00-20.00
Isniin wuu xidhanyahay

Juun-Agoosto:
Talaado-Isniin 11.00-17.00
Arbaco 11.00-20.00

Qiimaha

Galid bilaash ah.

Diiwaangalinta taleefan

Diiwaangalinta taleefan ee booqashada koox badan
Isniin-Jamce 09.30-11.00
Taleefan: +46 (0)13-495 97 14

Tilmaamaha

Madxafka Ciidanka Cirka Iswiidhishka (Swedish Air Force Museum) wuxuu ku yaalaa Carl Cederströms Gata 2 in Malmslätt, ilaa 7 km galbeedka xarunta Linköping. Ka bax iridda 111 ee E4.

Bas lambarka. 13 ka imaanaya Linköping Resecentrum (xarunta socdaalka)

Waxaan leenahay meelo badan oo gaadhiga la dhigto oo lacag la’aan ah.

Waxyaabaha Qarsoodiga – DC-3 oo la Waayay

Koofiyadda boqorka ee agabka Madxafka Ciidanka Cirka Iswiidhishka waa Iswiidhishka DC-3 taasoo ay ku soo riday diyaaradda dagaalka Soofiyeed dusha badda Baltic 1952 dii. Ka dib in kabadan konton sano qiyaastii, ayaa burburkii laga helay badda salkeeda, waxaana lagu keediyay oo la dhigay hadhaaga madxafka. Bandhigga Waxyaabaha Qarsoodiga ah – DC-3 taasoo la Waayay waa sheeko qarsoodi ah.

Filidda Dhibka ugu badan – muadadii Dagaalkii Qaboobaa ee Iswiidhan

Bandhigga joogtada ah, Filidda Dhibka ugu badan – Mudadii Dagaalkii Qaboobaa ee Iswiidhan, wuxuu sheegaa sheekada sidii ay Iswiidhan ugu diyaar garawday dagaalka kaasoon abid la bilaabin balse taasoo aduunku filayay una diyaar garoobayay, in ka badan afartan sano. Waa bandhig ah barnaamijyada bamka culus, ka cabso Ruushka oo ugaadhso ciidan hoosaadka, laakiin sidoo kale amaanka iyo samafalka. Kuwa u xiiso qaba waxay booqan karaan guri fadhi la sharaxay leh iyo xasuustii 50dii, 60dii, 70dii iyo 80dii.

Militariga Diyaaradaha ee Iswiidhishka – ee raadadkii Wadan Isdifaaca

Bandhigga taariikhda militariga diyaaradaha ee Iswiidhishka mudadii niskii hore ee qarnigii 20 aad ooy ku jiraan Madxafka diyaaradaha ugu wayn ee Ciidanka Cirka Iswiidhishka, sida Ö 1 Tummelisa iyo M 1 Nieuport IV-G. Ee Wakhti kasta, taariikhda laga bixiyay xaaladda guud ee Iswiidhan iyo aduunka, handadaadda noolasha iyo sida qaybaha difaaca iyo siyaadda difaaca ee Iswiidhan uga jawaabtay handadaadda.

Laabka Duulimaadka – Xarunta Cilmiga Diyaaradaha

Madxafka Ciidanka Cirka Iswiidhishka waa goob ay ka soo burqato aqoon iyo wax qabadba. Laabka Duulimaadka, xarunta cilmiga ee madxafka, waxay leedahay duulimaad isku mid ah iyo xarumo tijaabo oo leh qolofka diyaaradda. Muxuu yahay qalabka maareeya hawada oo waa maxay sida uu noqonayo indhaha dabaysha? Baadh, isku day oo ku mada daalo! Waxaa jira wax badan oo la qaban oo ay ogaan qoyska oo dhan.

Soo dhawow!